Madaxweyne Lafta Gareen oo lagu dhax canaantay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Lafta-gareen ayaa qorsheynaayay in uu deeganada maamulkiisa uu si deg deg ah uga qabto doorasho aan wadar ogol aheyn, si afar sano oo kale madaxweyne Farmaajo uu kursiga u sii joogo, Balse waa laga hor joogsaday arrinkaasi,waana lagu canaantay.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa safar deg deg oo maanta uu ku tagay magaalada Beydhabo waxuu Lafta-Gareen kaga hor joogsaday inuu Koofur Galbeed ka qabto doorasho hal dhinac ah oo aan laga wada hadlin, wuxuuna uga dhigay cawaaqibta ka dhalata isku dayga Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso.

Safarka deg degga ah ee James Swan ku tegay Baydhabo ayaa yimid kadib markii la xaqiijiyay in Villa Somalia ay dooneyso in koonfur Galbeed ay noqoto albaabka ay ka gelayaan doorashada, si ay adduunyada ugu caddeeyaan inay guda galeen doorashada kahor inta aan la gaarin Feberaury 08, 2021 oo ah maalinta ay ku egtahay afarsii sano ee Farmaajo loo doortay inuu dalka hoggaamiyo.

Waxaa jira laba arrimood oo waaweyn oo Lafta-gareen ku qasbeysay in uu deegannada maamulkiisa ka qabto doorasho aan la isla ogoleyn.

Arrinta 1-aad ayaa ah in Dowladda madaxweyne Farmaajo ay isugu dartay madaxweynaha Koofur Galbeed lacag iyo xilal loo magacaabay xubno uu watay oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada G/Sare Maxamuud Axmed Xasan (Dalab), xoghayaha xafiiska R/wasaaraha, Maxamed Ibraahim Nuur , Saraakiil la dalacsiiyay iyo xubno cusub oo lagu shaqaalaha rayidka ah xilli Dowladda ay horey u shaacisay in aysan qaadan doonin wax shaqaale rayid ah mudada ay joogtay.

Arrinta 2aad ayaa ah Cabsi uu ka qabo hadii talada dalka ay ka wareegto Farmaajo iyo xertiisa in xabsiga laga sii deyn doono Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, dibna loola xisaabtamo Lafta-Gareen iyo cida ku garab siisay in uu Koofur Galbeed ku maamulo kursi dhiig leh, Taasina ay soo afjarto mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Sida ay odorosayaan xeel dheerayaashu, Canaanta Swan oo bilaaw u ah qorsha beesha caalamku ay ugu digeyso dhammaan dhinacyada isku dayaya inay af-duubaan doorashada dalka, ayaa la rajeynayaa inay taako u dhigto damacii isku caana-shubidda ee Villa Somalia.

 

W/Q Nuur M Cumar

- Advertisement -