Madaxweyne Qoor Qoor oo bedelay Go’aankiisii hore ee Doorashada Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo dhawaan sheegay in laguda galayo doorashada ayaa mar kale ka laabtay go’aankaasi ahaa hirgalinta doorasho aan loo dhameyn kana maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Qoor Qoor ayaa sheegay in waqtigaan aysan macquul aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho hal dhinac ah, isla markaana Go’aanka dowladda & dowlad goboleedyada dhawaan gaareen uusan sidaasi aheyn.

Madaxweynaha Galmudug ayaa meesha ka saaray wax aan suurto gal aheyna ku tilmaamay hadalo kasoo yeeray  Midowga Musharixiinta ee ahaa in Dowladda Soomaaliya & dowlad Goboleedyada taagersan ay doonayaan in la qabto doorasho hal dhinac.

Wareysi uu bixiyay Madaxweyne Qoor Qoor  ayuu ku sheegay in aan la qabaneyn doorasho ay ka maqan yihiin maamulada Jubbaland & Puntland , waxa uuna cadeeyay in muhiim tahay in laga heshiiyo doorashada kadibna laguda galo.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeybgaleynin doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeygalo ayaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin ku saabsan maamulka doorashada waa in la xalliyo markaa doorasho Puntland iyo Jubaland ka hareen meel lagu yiri ma jirto ama mid ay ka maqan yihiin sababna ma jirto maxaa yeelay mar walba waxaa laga hadlayay tabashooyinkii jiray in la xalliyo doorashadana ay waajib tahay”

Waxaa uu sheegay in eedaha loo soo jeediyay dowlad goboleedyada saddexda ah ee taageersan dowladda uu yahay mid siyaasadeed, isaga oo hadalkiisa inaasi uu raaciyay in tabashooyinka jira in la xaliyo ay doonayaan.

Madaxweynaha Galmudug oo waday dadaalo la isugu soo dhaweenayay Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Puntland iyo Jubbaland ayaa ku fashilmay kadib markii uu dhawaan taageeray in doorasho aan loo dhameyn la qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -