Maxaabiis ka baxsatay Xabsi weyn oo kuyaala Mareykanka iyo Baadi goob xoogan oo socda

Lix nin oo kamid ahaa maxaabiis ku xiran xabsi kuyaala magaalada Merced, gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa baxsaday, kadib markii ay adeegsadeen xeelad cusub oo layaab  ku noqotay ilaalada xabsiga.

Sarkaal lagu magacaabo Vernon Warnke, oo ka tirsan booliska magaalada Merced ayaa Warbaahinta u sheegay in maxaabiistan habeenkii axada ka baxsadeen xabsiga, kadib markii xarig ay farsameesteen uga baxeen saqafka kore ee xabsiga.

Ilaalada xabsiga ayaan ogaan baxsashada maxaabiistan oo mid kamid ah u xirnaa fal dil ah, waxaana ilaalada xabsiga ka war heleyn baxashada ragan maalintii xigtay kadib markii laga waayay qolalkii ay degnaayeen.

Maxaabiista baxsatay waxaa ka mid ah Fabian Cruz Roman, oo ay da’diisu tahay 22 sano, kaasoo u xirnaa fal dil ah iyo Andres Nunez Rodriguez, 21 jir ah iyo Gabriel Francis Coronado, 19 jir ah oo labaduba lagu maxkamadeeyay fal iskuday dil ah.

Ciidamada booliiska iyo koox si gaar ah loogu xil saaray ayaa wada baadi goob ay ku raadinayaan ragan xabsiga kasoo baxsaday ,waxa ayna booliiska uga digeen ragan baxsadka ay sheegeen in suurto gal tahay in ay hub qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -