Itoobiya oo korontadii ugu horeysay ka dhalineysa Biyo xireenka muranka dhaliyay

Dowlada Ethiopia ayaa Axadda berri ah bilaabeysa inay koronto ka dhaliso biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee wabiga Nile-ka Buluuga.

Biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam oo noqonaya mashruucii ugu waynaa ee koronto laga dhaliyo qaarada Africa ayaa udub dhexaad u ahaa khilaaf ka taagnaa gobolka tan iyo markii dhismaha biya-xireenkan la bilaabay 10 sano ka hor

Waddamada uu u burqado wabiga Nile ee Masar iyo Sudan ayaa u arka biyo-xireenka mid khatar ah, sababtoo ah waxay ku tiirsan yihiin biyaha Nile, halka Addis Ababa ay u aragto in mashruucan uu muhiim u yahay tamarteeda iyo horumarkeeda.

Dhismaha Mashruucan oo ku kacay $4.2-Bilyan ayaa marka uu idlaado la filayaa inuu soo saaro in ka badan 5,000 oo megawatt oo koronto ah, taasoo labanlaab ka badan wax soo saarka koronto ee Ethiopia.

Biyo-xireenkan ayaa ku yaalla webiga Niilka Buluuga ah ee gobolka Benishangul-Gumuz ee galbeedka Ethiopia, waana meel aan ka fogayn xudduudka Sudan.

Buuxinta kaydka baaxadda weyn ee biya-xireenka ayaa bilaabatay sanadkii 2020, iyadoo Ethiopia ay ku dhawaaqday bishii July ee sanadkaasi in ay gaartay hadafkeedii ahaa in ay keydiso 4.9 bilyan mitir kuyuub (cubic meter) oo biya ah. Wadarta guud ee kaydka biya-xireenkan ayaa ah 74 bilyan oo mitir kuyuub, waxaana hiigsiga 2021-kii uu ahaa in la kaydiyo 13.5 bilyan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -