Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay Xasan Sufiyaan Qoorey & ilaaladiisa

Kadib howlgal qorsheysan oo ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoska xoogga dalka ka fuliyeen gobolka Jubada dhexe ayay ku dileen taliyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa ciidanka loo yaqaano Jabhadaha.

Howlgalka ayaa ciidanka Kumaandoska Danab waxay ka fuliyeen degaanka Carabow oo qiyaastii 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe.

Saraakiisha ciidanka Kumaandoska Xoogga dalka ayaa sarkaalka la qaarajiyey  magaciisa ku sheegay (Xasan Sufiyaan Qoorey).

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaas ku daray in ninkan lala dilay 6 ka tirsanaa ilaaladiisa oo iska caabin sameeyey.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay iney kordhiyeen howlgalada qorsheysan ee ay ku beegsanayaan Al-shabaab, ayna sii wadi doonaan inta ay ka ciribtirayaan wax ay ugu yeereen argagaxisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Axmed Xasan oo Golaha Shacabka ka codsaday meel marinta Sharci uu horgeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Madax goboleedyada

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Amakaag ku noqotay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Feysal Waraabe (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---