Madaxweyne Trump oo talaabo adag wajahaya ka dib rabshadihii Capitol Hill

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa maanta billaabay dhaq-dhaqaaq dhanka sharciga ah oo ay xilka uga xayuubinayaan madaxweynaha uu waqtigiisa sii dhamaanayo ee Mareykanka, Donald Trump.

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi ayaa sheegtay in maanta ay soo saari doonto qaraar ugu baaqaya Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wasiiradda, in ay adeegsadaan qodobka 25-aad ee dastuurka Mareykanka, kaasoo u ogolaanaya in madaxweyne Trump ay xilka ka qaadaan.

Warqad ay xalay u dirtay mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee xubnaha ka ah Aqalka Wakiillada, ayay Pelosi ugu sheegtay in haddii uu madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu qaraarka uga jawaabi waayo muddo 24- saac gudahood ah, uu Aqalka Wakiilada si deg deg ah u guda gali doono xil-ka qaadista madaxweyne Trump.

Pelosi waxay sheegtay in ay difaaceyso dastuurka iyo dimoqraadiyadda Mareykanka, iyada oo ku tilmaantay madaxweynaha nin khatar ku ah waddanka.

Xil-ka-xayuubinta deg deg ah ee ku socoto madaxweyne Trump ayaa waxaa barbar socdo baaqyo is daba joog ah oo soo xoogeysanaya, kuwaasoo codsanaya in madaxweynaha lagula xisaabtamo rabshadihi ay taageerayaashiisa Arbacadi ku weerareen xarunta Kongareska ee Capitol Hill, taasoo sababtay dhimashada shan qof oo uu ku jiray askari ka tirsanaa ilaalada xaruntaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -