Maamulka Israa’il ayaa cabsi xoogan ka qaba weerar culus oo kaga yimaada dhinaca Ciidamada Kacaanka dowlada Iran, waxa ayna Israa’iil gantaalada Difaaca geysay qeybo kamid ah dalkaasi.
Gantaalada difaaca Patriot ee dhexda ka qabta gantaalalda ballistic sidoo kale ka hortaga gantaallada riddada gaaban ayaa Israa’il geesay laguna arkay wadooyinkeeda magaalo xeebeedka ku taalla badda cas ee Eilat.
Sida ay ku waramayaan Warbaahinta Israa’il gantaaladan ayaa halkaasi loo geeyay cabsi ay Israa’iil ka qabtay weeraro xoogan oo kaga yimaada dhinaca Iran sanad guurada koobaad ee dilka dilkii Jeneral Qassem Soliemani, taliyihii guutada Quds ee ciidamada Kacaanka .
Cabsida Israa’il ka qabtay weerar lagu soo beego sanad guurada dilka Jeneral Qassem Soliemani oo ku beegneed 2-da bishan Janaayo ayaa laga soo gudbay, hasa ahaatee gantaalada difaaca Israa’il kama aysan qaadin goobihii ay dhigtay.
Warbaahinta Israa’il qaarkood ayaa ku warramay inay jirto cabsi kale oo la xiriirta xiisadda kacsan ee gobolka, kahor inta aan xilka madaxweynaha Mareykanka loo dhaarin Joe Biden, 20-ka Janaayo 2021.
Dowlada Iran ayaa marar badan ku hanjabtay in ay u aargudi doonto Jeneral Qassem Soliemani, taliyihii guutada Quds ee ciidamada Kacaanka Iran oo sanadkii hore ciidamada Mareykanka duqeyn ku dileen xili uu ku sugnaa gudaha dalka Ciraaq.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com