Allbanaadir.com
NEWS

Xukun Dil ah oo lagu riday Cumar Muxudiin iyo Dambiga uu galay oo la shaaciyay

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo lagu helay in uu dil iyo dhac u geestay qof shacab ah.

Maxkamada ayaana ku heshay Cumar Muxudiin Maxamuud in uu fuliyay Dilka  Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow, oo lagu dilay degmada Boondheere gaar ahaan Ex Wasaaraddii Caafimaadka 20-kii September sanadkii 2020.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid  Sedax marag oo cadeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Gungaarka Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay eedeymo hore oo ay Maxkamaddu u haysatay Eedeysanaha laakiin dhibanayaashii waagaas ay ka noqdeen Dacwaddii ay u heysteen kowdii June Sanadkii tegay.

Qareenada U dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo Naxariisto Eedeysannaha lagana qaado diyo, hasa aahaatee garsoorka maxkamada ayaa codsigaasi ku gacan seeray.

Ugu Dambeyn Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Cumar Muxudiin Maxamuud, waxa ayna maxkamada sheegtay in xukunka racfaan ka qaadan karo Cumar Muxudiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/u-F_4zBARak

Related posts

Shirweyne Qaran oo arrin muhiim ah looga hadlayay oo Muqdisho ka furmay

Cabdi Cade

Qadkii Internetka ee Koonfurta iyo bartamaha Somalia oo goor dhow dib u soo laabtay

Caydiid Ali

Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta yeelanaya fadhi looga doodayo qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---