Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo magacaabay guddi ka kooban lix xubnood oo u ku jiro C/raxmaan Faroole

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Guddiga ayaa ka kooban:

Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Wasiiradii hore ee Maaliyadda (Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh).

Wasaaradda ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah.

Iyo Bangiga Dowladda Puntland.

Madaxda qaar ka mid ah Jaamacaddaha Puntland iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha ayaa guddigan kala shaqeyn doona talabixinta.

Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu maanta Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillinka Soomaaliga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Golaha Shacabka oo maanta ka bilaabaneysa Galmudug iyo xubno lasii og yahay…

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Fariin gaar ah u diray Qurba joogta Itoobiya

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday haweeney lagu helay in ay kufsatay Wiil 8-sanno jir ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---