Doorashada Golaha Shacabka oo maanta ka bilaabaneysa Galmudug iyo xubno lasii og yahay…

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug  ka bilowdaan doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Labo kursi oo katirsan golaha shacabka ayaana maanta lagu dooranayaa magaalada Dhuusomareeb, waxaana labadan kursi durba yihiin kuwa lasii ogyahay cida kusoo baxeysa ama ku guuleesaneysa.

Kuraastan oo sumadooda kala yihiin HOP26  & HOP104 ayaa waxaa kusoo baxaya oo loo xiray labo siyaasi oo kala ah Yuusuf Geelle Ugaas iyo Mahad Cabdalla Cawad, labadan musharax ayaana waxaa la tartamaya labo malxiis oo ay keensadeen.

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah, waxaana doorashada Soomaaliya sanadkan ka dhaceysa kasii daran tahay marka loo eego musuqa iyo sida ay ku socoto doorashadii dhacday 2016-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -