Maxaan u siin la’nahay Mudnaanta uu naga mudan yahay Diplomaasi Abuukar Mohamed Abdi (Boston) ? !

Diplomaasi sare Abuukar Mohamed Abdi (Boston) oo muddo dheer ku jiray Xayn-daabka Diplomaasiyadeed ee Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah Soomaalida Aqoontooda iyo Khibradooda lagu siin waayay in uu noqdo Safiir ama Danjire u shaqeeye Qarankiisa.

Diplomaasi sare Dr Abukar Boston ka sokow Khibradiisa Diplomaasiyadeed waa Aqoon yahan, Saxafi iyo Xeeldheere dhinaca Siyaasadda iyo Diplomaasiyadda Dalalka Carabta, waxna ku bartay dalalka carabta.

Sidoo kale, waxa uu ahaa Shakhsi soo shaqeeyay in ka badan 40 sano isagoo la soo shaqeeyay Warbaahinta Qaranka, Hey’adaha Kheyriga, Idaacadda BBC iyo Safaaradda Dalka Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Abukar Boston waa PHD Candidate, islamarkaasina ku hadla Afafka Carabiga, Englishka iyo Talyaaniga, waxa uuna leeyahay khibrad weyn oo ku aadan Fahamka sida ay u shaqeeyaan Siyaasadaha dowladaha Carabta.

Nasiib daro Diplomaasi Abukar Boston oo ah aqoonyahan buuxa ah ayaan nasiib u yeelan in uu ka mid noqdo Safiirada la magacaabayo, sababta ay ku dhacdana waa mid ay wada fahmi karaa dadka Soomaaliyeed oo Sharaxaad uma baahna.

Shakhsiyaad badan oo Aqoon ahaan, Khibrad ahaan, iyo Da’a ahaan ka Hooseeya Abukor Boston ama dad ku eedaysan in Dambiyo ka galeen dalka ayaa Nasiib isaga hela in ay noqdaan Safiiro matala Dalkeena Soomaaliya. !! Sababtana sharaxaad uma baahna waa mid Soomaalida ay wada ogyihiin. Amakaag.

Ustaad Diplomaasi Abukar Boston kaliya ma ahan Shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee aan Fursadda loo siinin in ay Aqoontooda ugu Adeegaan Dalka Soomaaliya, waxaa jira boqolaal kale oo Soomaaliyeed oo la mid ah Diplomaasi Boston, Sababtana adiga is waydii.? !

Arinta ah in Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed aan lagu qiimayn Aqoontooda iyo Khibradooda waa mid soo jireen ah oo soo taagnayd inta uu soo jiray Qaran Soomaaliyeed tan iyo 1960, haba ugu sii darnaatee Burburka ka dib.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay Fursad hala Siiyo Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Aqoonta iyo Khibradda leh ee anfici kara Qaranka Soomaaliyeed si looga Fogaado Nin-tooxsi, Eex iyo waliba Qabyaalad.

Hussein Saxnuuni
Qahira-Masar

- Advertisement -