Xagee caawa ku sugan yahay Madaxweyne Xaaf? (Wararkii ugu dambeeyey ee Galmudug)

Madaxweynaha xaalku ku xun yahay ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo galabta ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayna gelbinayaan kolonyo gaadiid dagaal ayaa caawa ku sugan degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Xaaf ayaa kulamo kala duwan kula leh halkaas qaar ka mid ah waxgaradka degaanka oo ay ku jiraan kuwo ka yimid Magaalada Cadaado  oo beri safar dhulka ah uu ku mari doono.

Kulamadda ayaa looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Waxgaradka degaanka iyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa beri gaari doona Magaalada Gaalkacyo, waxaana aad u yar rajada laga qabo inuu dib ugu soo laabto Magaalada Dhuusamareeb ka dib markii saaxiibadiis ahlu suna ay wadahadal la fureen dowlada Somalia wafdi ka socda oo halkaas gaaray.

Xaaf ayaa ku gacan seyray inuu wadahadal la galo dowlada Somalia maadaama ay diiday inuu kursiga madaxweynaha Galmudug sii fadhiyo illaa 2021, waxayna dowladu ku adkeysaneysaa in la qabto doorashadan Galmudug maadaama ay dhamaatay labo sano oo Madaxweyne Xaaf uu dhameystirayey muddo xileedkii C/kariin Xuseen Guuleed oo xilkaas iska casilay isagoo labo sano hayey.

Dhinaca kale, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wafdi uu horkacayo Raisul wasaaraha Somalia ay ku fool leeyihiin magaalada Dhuusamareeb saacadaha soo socda, iyadoo ay magaaladaas gaareen ciidamo la sheegay iney hordhac u yihiin safarka Khayre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -