Allbanaadir.com
NEWS

Sawirro: Saraakiil katirsan Booliiska AMISOM oo gacan ka geesanaya Amaanka Doorashada oo..

Waxaa magaalada Muqdisho Tababar loogu soo gabo gabeeyay saraakiil katirsan booliiska ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, kuwaa oo loogu tala galay in ay gacan ka geestaan amaanka iyo ilaalinta doorashada Soomaaliya ka dhaceysa.

Tababarkan oo ugu socday Magaalada Muqdisho 160 saraakiil Boolis ah oo ka tirsan AMISOM ayaa gabo gabadiisa waxaa ka qeyb galay saraakiil katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM Augustine Kailie , ayaa sheegay in saraakiishani ay sii fulin doonaan tababarro ,howlaha kormeerka iyo la talinta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed sidoo kale gacan ka geesan doonaan sugida amaanka Doorashada.

Ciidamada booliiska AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa inta badan gacan ka siiya booliiska Soomaaliya dhinaca tababarada iyo howlgalada, mana jiraan inta badan shaqooyin badan ay booliiska AMISOM ka qabtaan Muqdisho iyo gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka DF oo eedeyn culus u jeediyey Aadan Madoobe

Caydiid Ali

Qalbi Dhagax Oo Xabsiga laga sii deynayo iyo Siyaasada ka dambeysa

Cabdi Cade

Daacishta Puntland oo is khilaafay Soomaali iyo Ajaaniib ayaa loo kala baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---