Allbanaadir.com
NEWS

Daacishta Puntland oo is khilaafay Soomaali iyo Ajaaniib ayaa loo kala baxay

Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in kooxda Daacish laba garab u kala jabtay, tan iyo intii ciidamada Puntland ka qabsadeen difaacii adkaa ee Turmasaale.

Wararka ayaa sheegaya in Taliskii guud ee mileeshiyaadka Daacish uu kala daatay, kaddib markii laga saaray Turmasaale, taasi oo sababtay in ay istiraatiijiyadda dagaalka isku khilaafaan xubnihii kooxda u qaabilsanaa hoggaanka mileeshiyaadka hubaysan.

Saraakiisha ajnabiga ah ee kooxda ayaa soo jeediyay in la sameeyo weerarro habeenkii ah iyo in godadka laga baxo qaraxyo lagu xiro, balse marnaba aan la gelin dagaal toosa oo khasaaro badan kaga imaan karo.

Waxaase si adag uga horyimid xubno Soomaali ah oo intooda badan ka soo jeeda Puntland, waxayna soo jeediyeen in dagaal toosa lala galo ciidamada, taasi oo shaki xooggan ku abuurtay kooxdii ajnabiga ahayd, sida ay tilmaamayaan xogaha amni.

Intaasi kaddib, waxaa la sheegaya in ay laba garab noqdeen hoggaankii dagaalka u qaabilsanaa kooxda, kuwaasi oo u kala baxay Soomaali iyo ajaanib, waxaana labada kooxood badan ajaanibta dibadda ka yimid.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda ajaanibta ah go’aansatay in ay bilaabaan weeraro gaadmo oo habeenkii u badan iyo in ay saldhigyada ay ka baxaan miineeyaan, balse aysan dagaal toosa gelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo hub iyo taageero kale ka codsatay miod kamid ah Wadamadda Caalamka

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Shaaciyay in rag ajaaniib ah lagu dilay dagaalkii Baxdo

Cabdi Cade

(Sawirro) Wasiir, Gudoomiye Baarlaman & xubno kale oo ku soo baxay doorashadii Baraawe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---