Qalbi Dhagax Oo Xabsiga laga sii deynayo iyo Siyaasada ka dambeysa

Dowlada Itoobiya ayaa la filayaa in xabsiga ka sii deyso Cabdikariim Sheeq Muuse Qalbi Dhagax oo Sanadkii 2017-kii laga dhoofiyay Soomaaliya, kadib wada shaqey dhexmartay taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe iyo Safiirka dowladda Itoobiya u Fadhiya Soomaaliya, kuwaa oo u gacan geliyay taliska Itoobiya.

Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo  ayaa sheegaya in Cabdikariin Qalbi Dhagax xuriyadiisa dib loo siinayo islamarkaana aanuu kabixi karin gudaha dalka itoobiya Maadaama uu yahay Sarkaal katirsan Ururka ONLF,  isagoo ka mid noqonaya dadka isbadal doonka ah ee dawlada Itoobiya doonayso inay badalaan hogaanka ismaamulka Soomaalida itoobiya, iyadoo dowladda Itoobiya diyaarineyso in kacdoon shacab xilka looga qaado Cabdi Ileey, maadama hogaanka Itoobiya ay hadda gacanta u gashay kacdoonka Orormada oo u arka in muhiim ay tahay xilka qaadista Cabdi Ileey.

Magaalada Addis Aabba ee dalka Itoobiya waxaa ku qulqulaya dad badan oo Soomaali ah kana yimid wadamada deriska la ah Itoobiya iyo dad kayimid Qaaradaha Yururb Iyo Waqooyiga Ameerica, waxaana dadkan Soomaalida u badan ay doonayaan in isbadal lagu sameeyo Maamulka hadda gacanta ku haya deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Weey adagtahay in la saadaaliyo kacaanka cusub uu hogaaminayo Abyi Ahmed  sida uu wax u doonayo ay u dhacaan oo ah in Maamaulada in Ismaamulada Itoobiya oo dhan xilka uu ka qaado, iyo Taliyaasha Ciidamada Itoobiya iyo in uu isbadal ku sameeyo dhaqaalaha Dalkaasi, isagoo sidoo kale qorsheynaya inuu xeriir fiican la yeesho dowlada Itoobiya deriska la ah ee kala danta ah.

Caqabada ugu adag waxeey ka imaan doontaa sida heshiis siman uu ula sameysan lahaa Jabuuti Iyo Eretria oo dhul weyn isku heysta, waxaa kaloo caqabad ku noqoneysa sida xeriir siman ula sameyn lahaa Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federlka Soomaaliya oo isku haya Qadiyad Siyaasadeed.

 

 W/Q: Danjire Mahamed Caalim                                

E-mail:  Caalim68@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -