IGAD oo digniino cusub ka bixisay duufaano ku soo wajahan xeebaha Somalia

Urur goboleeedka IGAD ayaa digniino culus ka soo saaray duufaano kusoo fool leh xeebaha Somalia gaar ahaan degaanada Puntland.

Qoraal kasoo baxay xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD ayaa ku tilmaantay duufaanno ka soo kacay gudaha badweynta hindiya, kuwaasoo khatar ku haya qaar ka mid xeebaha Puntland.

Khubarada saadaasha cimilada IGAD ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Yeman 26ka May.

Waxay intaas ku dareen in qaybo ka mid ah duufaanadan oo ay la socdaan daruuro iyo roobay ku dhufan doonaan xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay IGAD.

Roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkan horraantiisii ku dhuftay gobolka Geeska afrika gaar ahaan dhulalka Soomaalida ayaa waxaa ku naf waayey ku dhowaad 50 qof iyo kumanaan neef oo xoolo, iyadoo hanta oo badana khasaare u geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -