Raaf ka dhan ah Mootooyinka Bajaajka oo Muqdisho ka bilowday (Daawo Sawirro)

Ciidamada xasilinta ayaa xalay howlgal gaar ah ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir kaasoo lagu soo qabtay tiro Mooto Bajaaj ah.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo iyo saraakiil kale,waxaana howlgalka lagu soo qabtay in ka badan 60 Mooto Bajaaj.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in howlgalka Mootoyinka Bajaajta ah ee lagu soo qabtay ay ahaayeen kuwo taargo la’aan ah kuwaasoo looga shakiyey inay qeyb ka yihiin amni darrada ka jirta Muqdisho.

Waxa uu sheegay guddoomiye Tuulax in haatan baaritaano lagu sameynayo mootooyinkaas, isla markaana dhalinyarada wadata Mootooyinka aan taargada laheyn uu ugu baaqayo inay soo qaataan.

Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa isna sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa amniga Muqdisho laga hagaajinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -