Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Shaqaalaha Xafiiska R/W Kheyre oo kamid noqday dadkii saarnaa Diyaarada Bur burtay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in diyaaradii  Ethiopian Airlines ee maanta ku bur burtay duleedka magaalada Adis Ababa ay la socdeen muwaadiniin Soomaaliyeed oon wali tiradooda rasmiga ah laheyn.

Dadka la xaqiijiyay in diyaarada la socdeen waxaa kamid ah Cabdishakuur Maxamed Cabdulle (Shahaad) oo kamid ahaa shaqaalaha sare ee xafiiska Ra’isul Wasaaraha gaar Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dad ehel la ah Cabdishakuur Shahaad  ayaa noo sheegay in uu ka yimid Qaarada Yurub uuna kusoo jeeday magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay howlo uga maqnaa.

Dadkii saarnaa Diyaarada Ethiopian Airlines oo gaarayay 157-qof ayaa loo badinayaa in ay shilka ku dhinteen, waxaana la filayaa in dowlada Ethopia war rasmi ah kasoo saarto shilkan diyaaradeed iyo khasaaraha ka dhashay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha shilkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa jira in qaar ka mid ah raggii maanta weeraray Villa Somalia ay nolol ku baxsadeen?

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku laabtay Dhuusomareeb laguna soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo baaq deg deg ah soo saaray kaddib dilkii Ismaaciil Haniya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---