Muran Xoogan oo ka dhex aloosan Wasaarada Caafimaadka & Maamulka G/Banaadir

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay Wasaarada caafimaadka ee xukuumada Somalia iyo Maamulka gobolka Banaadir, kaasoo salka ku haya cida xaqa u leh iney bixiso buugga Caafimaadka ee la siinayo xujayda sanadkan u dhoofeysa gudashada waajibaadka Xajka.

Labada heyadood ayaa mid walba goonidiisa ugu doodaya inuu xaq u leeyahay bixinta buugga caafimaadka, waxaana arintaas ka dhashay muran xoogan oo dibeda u soo baxay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa todobaadkii hore soo saaray buug caafimaad, isagoo taageero ka helay culimo iyo ganacsato, balse arrintaas waxaa diiday Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda federaalka oo ku tilmaantay sharci-darro, iyadoo xustay iney iyada oo kaliya xaq u leedahay bixinta buuga Caafimaadka.

Khilaafka ayaa Sii xoogeystay ka dib markii Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ay galabta soo saartay War-saxaafadeed ay ku sheegeyso iney xujayda sanadkan u diyaarisay buug caafimaad oo ka duwan kan uu soo saaray Maamulka gobolka Banaadir, ayna ka qaadan karaan garoonka Aadan cadde inta aysan dhoofin ka hor halkaasoo loogu diyaariey shaqaalaha caafimaadka.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Ing. Yariisow oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada ayaa si caro leh uga jawaabay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.

“Waa nasiib daro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafkan iyadoo aysan dalka ka jirin maxkamad dastuuri ah oo kala saarta awoodaha heyadaha kala duwan ee dowlada Somalia

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA CAAFIMAADKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -