Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay Lacagta loo qorsheeyay in ay ku baxdo Doorashada !!

Doorashada lagu muran sanyahay ee la filayo in horaanta sanadkan ka dhacdo Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay in ay ku baxdo lacag malaayiin Dollar ah oo inta badan ay bixin doonaan Wadamada Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in doorashada dalka ka dhaceysa markii la qiimeeyay lagu qiyaasay lacagta ku baxeysa 40-Milyan oo Dollar.

Waxa uu sheegay Wasiirka in lacagtan dowlada Soomaaliya ka bixioneyso %10 oo u dhiganta 4-milyan oo Dollar, waxa uuna cadeeyay lacagta kale in ay bixinayaan Wadamada beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan doorashada ku baxeyso lagu fulin doono howlaga doorashada, sida safarada gudiyada doorashada,, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada.

Wasiir Beyle ayaana cadeeyay in aysan jiri doonin lacagta dowlada in si khaldan loogu adeegsado doorashada, waxa uuna xusay in hanaanka maaliyadda ee degsan uusan ogoleyn in hantida dowlada si khalsan loogu adeegsado doorashada.

Ugu Dambeyn Wasiirka Maaliaydda Soomaaliya ayaa beeniyay in hay’ado iyo wadamo dowlada Soomaaliya dhaqaalaha ka taageera joojiyeen lacagaihii dowlada siin jirtay sababo la xiriira dooarshada lagu muran sanyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Dhismaha Tiyaatarka Qaranka oo si aan caadi aheyn loo qurxiyey

Caydiid Ali

Saraakiil ciidan iyo Masuuliyiin abaabul dagaal iyo kulamo kawada Ceeldheer (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Somaliland oo dhagxaan lagu weeraray xilli uu aas ka qeyb galayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---