Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Milatariga Soomaaliya oo Howlgal qorsheesan ku qabtay  Dabley dishay Saraakiil ciidan 

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaan kuyaala gobolka Galgaduud ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo kamid ahaa maleeshiyaad hubeesan oo dhawaan saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya dilay.

Labadan nin ee ciidamada soo qabteen ayaa kamid ahaa maleeshiyo beeleed weerar gaadmo ah oo ka dhacay inta u dhaxeysa Guriceel iyo Degmada Balambale ku dilay saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada howlgalka fuliyay oo mudo baadi goob ugu jiray maleeshiyaadka  ayaa adeegsaday gaadiidka dadweynaha, iyagoona tagay deegaan ay maleeshiyaadkan joogeen kuna soo qabteen labo nin halka kuwa kalana baxsadeen.

Saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in uu socon doono howlgalka lagu baadi goobayo dableydii saraakiisha dishay oo ku dhuumaaleesanaysa deegaano kuyaala gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari saakay dil iyo dhaawac Muqdisho ugu geestay dad shacab ah oo la qabtay

Cabdi Cade

Khamri badan oo si Qarsoodi ah lagu galin rabay Boosaaso oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo wada qorshe heshiis xabbad-joojin ah looga gaarayo dagaalka Gaza

Cabdi Cade
Taboola Ads ---