Khamri badan oo si Qarsoodi ah lagu galin rabay Boosaaso oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ee ka howlgala koontaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay khamri badan oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu galiyo magaalada Boosaaso.

Khamrigan oo lagu soo qariyay kartoonada saliida ayaa waxaa waday oo doonayay in ay gudbiyaan ciidamo kale oo katirsan maamulka Puntland, hasa ahaatee baaritaano ciidamada sameeyeen ayey ku qabteen khamrigan magaalada la galin rabay.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Bari ayey ku sheegeen in gacanta ku dhigeen khamri la doonayay in magaalada Boosaaso la galiyo si looga ganacsado, booliiska ayaana sheegay in ay u taagan yihiin kahor taga waxyaabaha maandooriya sida khamriga.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga waxana uu sheegay in ay kula xisaabtami donaan cidwalba oo ay khuseeso in khamrigaan ay soo galiyaan Magaalada Bosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa kamid ah magaalooyinka sida weyn looga isticmaalo waxyaabaha maankadooriya sida khamriga oo si qarsoofdi ah magaaladasai lagu galiyo, waxa ayna maandooriyahan kordhiyay falalka amaan daro ee ka dhaca magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -