Xildhibaan la doortay oo Geeriyooday kahor inta aan loo dhaarin kursiga Xildhibaanimo

Siyaasi katirsanaa Xisbiga Jamhuuriga ee talada dalka Mareykanka haya dhawaana loo doortay Xildhibaan katirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa geeriyooday maalmo kahor inta aan loo dhaarin kursiga Xildhibaanimo ee loo doortay.

Luke Letlow, oo 41-sano jir ahaa ayaa u geeriyooday cudurka Caronaviros oo haleelay, waxaana Xildhibaankan oo laga soo doortay degmada 5-aad ee Louisiana lagu waday in axad soo socota loo dhaariyo in uu kamid noqdo Aqalka Koongareeska Mareykanka.

Barasaabka magaalada Louisiana ee dalka Mareykanka John Bel Edwards, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaankan, waxa uuna John amray maalinta duugta Xildhibaanka in calanka magaaladaasi hoos loo dejiyo.

Luke Letlow, ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay oo katirsan aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ee u geeriyooda cudurka Caronavirus, waxaana geerida Xildhibaankan kusoo aadeysaa xili xisbiga uu katirsanaa looga adkaaday doorashadii dhawaan dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -