Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Maraykanka oo duqeymo isdaba joog ah ka wada Jubbooyinka ka dib weerarkii Lamu

Ciidanka Maraykanka ayaa duqeeyay fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen, degaanka Caanoole oo hoostaga degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandoska xoogga dalka ee ka howlgala degaanada Jubbaland.

Duqeyn tan la mid ah ayay saraakiishu sheegeen in laga fuliyey xero ku taalla degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku tababartaan Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale ay Ciidanku duqeeyeen saldhiga Al-shabaab ku lahaayeen degmada Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana lagu burburiyay saldhigii al-shabaab ku lahaayeen halkaasi sida saraakiisha xoogga dalku sheegeen.

G/lle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoska Soomaaliya qeybta Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiiyay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen lagu gaarsiiyay al-shabaab Khasaaro xooggan.

Duqeymahan isdaba jooga ah ee Al-shabaab loogu geystay gobolada Jubbooyinka ayaa ku soo aaday xili sadex Maraykan ah oo uu ku jiro askari lagu dilay weerar Al-shabaab ku qaaday maalmo ka hor saldhig ay joogeen ciidamo Maraykan ah oo ku yaalla gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibeda ee Kuuriyada Woqooyi oo booqasho yaab leh ku tegay dalka Sweden

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo Caawa si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney Dilaa ah oo Khatar ku ah raga oo laga baadi goobayo dalka Kenya !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---