Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dalkii 3-aad caalamka oo laga helay nooca cusub ee Viruska Coronavirus

Kiiski ugu horreeyay oo la xiriira nuuca cusub ee cudurka COVID-19 ee maalmahan ka jiray dalka Ingiriiska, ayaa shalay marki ugu horreysay laga helay dalkan Mareykanka.

Qofka laga helay fayrasakan ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ku jira da’da labaatameeyada, waxana hadda lagu karantiilay dhinaca koofurbari ee magaalada Denver. Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, wiilkani ayaanan u safrin meel ka baxsan Mareykanka.

Sheeybaarka Waaxda Caafimaadka gobolka Colorado ayaa xaqiijiyay kiiska cusub ee la xiriira cudursidahan. Sheybaarka ayaa arrintani ogeysiiyay Xarunta Kahortagga iyo Xakameynta Cudurrada ee dowladda Federaalka Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Colorado, Jared Polis ayaa ku dhawaaqay kiiskani cusub isaga oo sheegay in si hoose ay ula socon doonaan fayraskaan. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda aan xanuunkani wax badan laga aqoonin balse ay dhaqaatiirta u sheegeen in uu si dhaqso ah u fidi karo.

Saynisyahannada dalka Britain oo marki ugu horreysay xanuunkani helay ayaa rumeysan, in xawaaraha uu ku fido cudurkaan uu ka dheereeyo marka loo fiirayo cudurksidaha Caronavirus, waxaana Maraykanka ka hor dalkii labaad ee Viriska cusub laga helay uu ahaa Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo kormeeray Xarunta dowlada hoose ee Xamar, kulana la qaatay Masuuliyiinta gobolka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

NISA oo dishay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab gaadiid dagaalkna ku…

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Xamse oo indhihiisa ku soo arkay saameynta roobabka ee Jubbaland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---