Shirkii Madasha Madasha Aragti Wadaaga oo goor dhow ka furmay Garoowe (Sawirro)

Waxaa goor dhow si rasmi ah magaalada Garoowe uga furmay Madasha Aragti Wadaagga ee sanadlaha ah oo ay soo qaban qaabisay Machadka Heritage.

Madashan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, Guddoonka labada Aqal, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Midowga Musharaxiinta iyo Marti sharaf kale.

Madasha oo sanadkan looga hadlayo xasilinta dalka, dhammaystirka Dastuurka, gaarista doorasho qof iyo cod ah iyo hirgalinta nidaam Federaal oo shaqaynaya ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalaya Gudoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka ururada bulshada iyo marti kale.

Qorshaha oo ahaa in la furo 29-kii bisha ayaa dib u dhac ku yimid sababo farsamo, iyadoo shirkan uu socon doono 3 maalmood xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, sida uu sheegay agaasimaha machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi.

Sida ku cad ajandaha madasha, madaxda ka qaybgalaysa oo aragti ahaan ku kala duwan xaaladda dalka ayaa ka wada qaybgali doona doodo adag oo ku saabsan qabya tirka Dastuurka, ammaanka dalka, dawlad wanaagga iyo kaalinta ay bulshadu ku leedahay.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayay furitaanka shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee ay soo qaban qaabisay Machadka Heritage oo maanta ka furmay Garowe ayaa sheegay in madashan ay ku soo aaday marxalad loo baahnaa oo ay isugu yimaadaan Madaxda Soomaaliyeed, waxaana uu u rajjeeyay shirka inuu ka soo baxo mira dhal wanaagsan iyo shir doceedyada fursadaha la isugu heli doono ee looga hadlayo xaaladaha taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -