Qareen Caan ahaa oo lagu dhax dilay xarun Maxkamadeed iyo Ninkii dilay oo la qabtay

Qareen C/Latiif Afridi oo ahaa Qareen Sare (a senior Lawyer) ayaa xalay lagu dhex dilay Maxkamadda Sare ee magaallada Peshawar ee W/Galbeed ee dalka Pakistan.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Qareenka la toogtay, xilli uu Qareeno kale la fadhiyey, waxaana lagu dhuftay 6 xabadood, iyadoo ay soo gaareen dhaawacyo hails ahaa.

Qareenka oo 79-jir ahaa waxaa loola cararay Isbitaalka Lady Reading Hospital, balse, waxa uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Boliska waxay gacanta ku dhigeen Ninkii dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Cadnaan Samiullaah Afridi, iyadoo Baaritaan hordhac ah oo ay Boliska sameeyeen lagu ogaaday in Marxuumka iyo Dilaaga uu ka dhexeeyey Khilaaf Shaqsiyadeed.

Ijaas Khaan oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Boliska magaalladda Peshawar waxa uu sheegay inuu toogaahadaasi geystay Qareen Darajada Heerka hoose ahaa (a Junior Lawyer) oo ku labisnaa Dharka Khaaaka u ah Garsoorayaasha Maxkamadaha, kai oo markii dambe isku soo dhigay Ciiddanka Boliska.

Goobjooge iyo Kaaliye dhanm Sharciga oo lagu magacaabo Muxamad Rizwan waxa uu sheegay in ninka hubeysan uu meel dhow ka toogtay Qareenka, uuna ku dhuftay 6 xabadood.

Dhanka kale, Ururka Qareenada Maxkamadda Sare ee Peshawar (The Peshawar High Court Bar Association) waxay dilkaasi ku tilmaameen Shil Argagixiso, iyagoo Ciiddanka Amaanka ee Maxkamadda ku eedeeyey Habacsanaan iyo inay ogaan waayeen sida uu Nin hubeysan ula soo galay Maxkamadda iyo inuu Qareenka ku dhex dilo Qolka Khaaska ee ay Qareenada ku nastaan.

Marxuumka waxaa maanta lagu aasay Qabuuraha Hayatabad’s Bagh-i-Naran ee magaalladda Peshawar, iyadoo Eedeysanaha la amray in lagu sii hayo Xabsiga muddo 2 maalmood, si ay Boliska u dhamaystiraan Baaritaankooda dilkii Qareen C/Latiif Afridi.

W/T: Ustaad Nuradiin

Xigasho: Warbaahinta Pakistan

- Advertisement -