Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Banaan bax balaaran oo ka dhacay Garawe iyo Shacabka oo caro xoogan muujiyay

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday sicir bararka iyo diidmada lacagta shilin Soomaaliga ee ka jirta Garawe.

Shacab aad u careesan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Garawe, waxa ayna shacabka taayaro ku gubayeen wadooyinka magaalada qaarkood iyaga oo sidoo kale dhagxaan badan wadooyinka ku jiray.

Banaan baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah maamulka Madaxweyne Deni ay ku eedeeyeen in ay ku fashilmeen wax ka qabashada sicir bararka magaalada ka jira iyo isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga.

Dadka banaan baxa dhigayay oo aad u careesnaa ayaa la arkayay iyaga fujinaya boorarka ay ku dhagan yihiin sawirada Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ee surnaa wadooyinka magaalada Garoowe .

Deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa mudooyinkan dambe ka taagnaa sicir barar aad u xoogan, waxaa sidoo kale ganacsatada qaarkood diideen qaadashada lacagta Shilin Soomaaliya taa oo uga sii dartay sicir bararka Puntland ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee golaha shacabka Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Magaca Cusub ee Facebook oo Dhimasho lagu micneeyay iyo Hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

Sodogga Laftagareen oo loo diray Baydhabo iyo Madaxweyne Xasan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---