Taliyaha Ciidanka AFRICOM oo booqday xerada Milateriga Bali doogle (Sawirro)

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen J. Townsend, ayaa Booqasho ku tagey Xerada Ciidanka Kumandoska Danab ee Bali-doogle oo ku taalla duleedka degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose

Gen. Townsend iyo saraakiisha la socotay ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey Taliyaha ururka 4-aad ee guutada 16-aad ee Kumandooska Danab XDS Dhamme Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa u sheegay ciidamada halkaas ku sugan in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada ay siiso milateriga Somalia, isagoo ku amaanay dagaalka ay ku jiraan Al-shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhowaan sheegtay iney gacanta ku heyso qorshe ay dooneyso inay dib ugu dirto Soomaaliya tiro ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, si ay gacan uga siiyaan ciidamada Soomaaliya la dagaalanka ururka Al-Shabaab.

Qorshahan ayaa haddii uu hirgalo, qeyb ahaan dib uga noqonaya go’aankii sida deg deg ah uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya, madaxweynihii hore Donald Trump bishii January ee sanadkan.

Trump ayaa Soomaaliya kasoo qaaday inta badan ciidamada Mareykanka oo gaarayey 700 oo askari, wuxuuna ku reebay illaa 100 askari kaliya kuwaasoo ilaaliya safaarada Maraykanka ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -