Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Somalilad iyo Puntland oo saakay dib u qarxay

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa saakay aroor hore deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool dib uga qarxay .

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka labada dhinac u dhaxeeya ayaa la isku adeegsanayaa hubka culus, waxaana labada dhinac mid waliba xooga saarayaa sidii dagaalka ugu guuleesan lahaa.

Dadka ku dhaw halka lagu dagaalamayo ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan dhawaqa hubka culus ee labada dhinac is dhaafsanayaan, waxaana wali adag in la ogaado khasaaraha dagaalka dib u qarxay ka dhashay.

Saraakiisha hogaamineysa labada dhinac ayaa mid waliba guulo ka sheeganayaa dagaalka saakay ka socda Deegaanka Tukaraq, waxaana ciidamada labada dhinac gaaraya gurmadyo xoogan.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jira diyaar garow dagaal, labada dhinac ayaana maalmihii lasoo dhaafay dagaal afka ah warbaahinta isku marinayay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -