Wafdi xaqiiqo raadin ah oo loo diray xiisada ka taagan Xadka Somalia iyo Kenya

Wasiirka arimaha dibadda dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa si rasmi ah u shaaciyey in wafti ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Djibouti oo iskugu jirra diplomaasiyiin iyo saraakiil sare oo milatari ay maanta gaareen Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wafdigan ay soo qiimeyn doonaan xaaladda soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka Belad Xaawo iyo Mandheera, oo ay xiisado ka oognaayeen maalmahan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa faahfaahin ka bixiyey dadaallada ay dowladdiisu ugu jirto sidii loo heshiisiin lahaa Soomaaliya iyo Kenya oo haatan ay ka dhaxeyso xiisad xooggan.

Waxaa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay xooga saari doonaan marka hore sidii loo soo celinaa lahaa xiriirkii labada dal, si meesha looga saaro khilaafka jira.

“Waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti ayaa arrintaas lagu soo hadal qaaday waana la isku waafaqay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan dajinno xiisadda ka taagan gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -