Xildhibaan Xaaskiisa ugu Hanjabay in uu Furayo Kadib markii ay ku biirtay Xisbi kale !(Sawiro)

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa si weyn u hadal heysa Lamaane siyaasiyiin ah oo u dhashay dalkaasi oo qarka u saaran in ay kala tagaan, kadib markii ku kala biireen labo xisbi oo iska soo horjeeda.

Sheekada Lamaanahan ayaana Warbaahinta si weyn u qab satay kadib markii Sujata Mondal Khan, oo horey uga tirsaneed xisbiga uu ninkeeda ku jiro ka baxday kadibna ku biirtay xisbbi kale oo kasoo horjeeda xisbiga uu ninkeeda ku jiro.

Sujata Mondal Khan, oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay ka baxday Xisbiga uu Hogaamiyo Ra’isul Wasaare Modi ee Bharatiya Janata Party (BJP) kana tirsan yahay ninkeeda, waxa ayna shaacisay in ay ku biirtay xisbiga Trinamool Congress Party (TMC)

Haweeneydan ayaa ku eedeesay xisbigii ay katirsaneed in uusan wax xushmad ah u muujin, isla markaana ay xisbiga ku soo dareen dhowr hoggaamiyeyaal musuq caan ku ah ,kuwaa ay sheegtay in xisbiyo kale uga soo biireen.

Sujata Mondal Khan, oo Wareysi bixisay iyada ilmeeneysa ayaa sheegtay in ninkeeda dayacay wax xiriir wanaagsana uusan la laheyn mudo sanad ku dhaw, waxa ayna ku eedeesay xisbiga BJP in ay ka shaqeeyeen in gurigeeda uu bur buro.

Dhinaca kale  Saumitra Khan, oo ah Xildhibaan katirsan Xisbiga BJP ahna seyga haweeneydan ayaa si weyn uga carooday go’aanka xaaskiiga ugu biirtay xisbiga kasoo horjeeda, waxa uuna Warbaahinta hortooda ka sheegay in uu furayo xaaskiisa.

Xildhibaankan oo isaga oo careesan Warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay xaaskiisa ay 10-ka sano is qabeen in ay u dhaafto magaciisa, isagoona u sheegay in uu xuriyad siinayo ayna kala tagayaan waxii hada ka dambeeya.

“Fadlan jooji isticmaalka magaca ‘Khan’ hadda iyo hadhowba, fadlan ha isku tilmaamin xaaska Saumitra Khan. Waxaan ku siinayaa dhammaan xorriyaddaada siyaasadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Khan isaga oo careesan.

Xildhibaankan ayaana ku eedeeyay xisbiga ay ku biirtay xaaskiisa ee Trinamool in ay bur buriyeen gurigiisa ayna maskaxda ka xadeen xaaskiisa uu jeclaa, waxa uuna sheegay in  uu aad uga xun yahay go’aanka xaaskiisa qaadatay.

“TMC waxay xadeen xaaskeyga, jaceylkeyga ayay la tageen, waxay ahayd jaceylkeyga. Waxay ahayd xaas aad u fiican. Waxay ahayd daciifnima keliya ee aan qabo. Dabcan, waan murugeysnahay, sheekadeenna way dhammaatay. Wax xiriir ah lama lihi, waan oggolaaday Sujata mar dambe ma rabo.” ayuu yiri Saumitra Khan.

Sheekada lamaanahan Siyaasiyiinta ee kunool gobolka Galbeedka Bengal ee dalka Hindiya , ayaa hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalkaasi iyo daafaha Dunida, waxaana sheekada lamaanahan si weyn u hadal haya Warbaahinta Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -