Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kahor yimid Jadwalka Doorashada ee la shaaciyay (Akhriso)

War Saxaafadeed kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Somaliland ayaa looga hor yimid jadwalkii doorashada ee shalay shaaciyeen guddiga Doorashada ee lagu muran san yahay.

Waxaa lagu sheegay warkan kasoo baxay Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi in guddiga doorashada ee dowladu magacawday lagu dhisay wadatashi la’aan, waxa ayna xuseen in guddiga u badan yihiin ciidan iyo shaqaalaha dowlada.

Qoraalkan ayaa loogu baaqay Madaxda dowlad goboleedyada dalka , Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka in ay joojiyaan qabsoomida doorasho aan guddiyadeeda iyo habraaceeda heshiis lagu aheyn.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -