(Sawirro) Maxay ahaayeen 5-ta xubnood ee Golaha Aqalka sare lagu hor dhaariyey?

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐’๐ก๐š๐œ๐›๐š๐š๐ง ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 23-aad.

๐€๐ฃ๐š๐ง๐๐š๐ก๐š kulanka ayaa ahaa, 1. ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

  1. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrist Xogta.
  2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.
  3. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

Ugu horrayn Sanatarada Aqalka Sare, ayaa guda galay ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka oo uu golaha u soo gudbiyay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, kana codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan, waxaana cod la geliyay kadibna lagu meel mariyay xubnihii Guddiga oo ay codka kalsoonida siiyeen soddon Sanatar ee kulanka maanta soo xaadirtay.

Intaas kadib ayaa laguda galay ajandayaasha kale ee kulanka, waxaana Golaha akhrinta 1-aad marsiiyay ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ ๐—๐จ๐ ๐ญ๐š Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif, halka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaaย  uu isna akhrinta koowaad marsiiyay ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š.

Ugu danbayn Sanatarrada Aqalka Sare ayaa dood dheer ka yeeshay sharciga La-dagaalanka Argagixisada, oo akhrintiisa labaad uu Golaha marsiiyay Senator Adam Abdinasir Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka oo ka kooban 5 xubnood oo kala ah:

  1. Maxamed Xasan Idiris.
  2. Farxiya Muumin Cali.
  3. Burhaan Aadan Cumar.
  4. Axmed Maxamuud Jaamac.
  5. Maxamed Cabdalla Saalax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -