Shirkada Qatar Airways oo Duulimaad toos ah bilaabeysa Muqdisho

Shirkada Diyaaradaha Caalamiga ee Qatar Airways ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan bilaabeyso duulimaad toos ah ay ku imaaneyso garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxa Shirkadda Qatar Airways Akbar Al Baker, ayaa shaaca ka qaaday in duulimaadka shirkadooda la balaarinayo ayna soo kordhiyeen duulimaadyo toos ah ay ku tagi doonaan dalal iyo magaalooyin cusub.

Wadamada ay Shirkada Qatar Airways duulimaadyada tooska ha ka bilaanbeyso waxaa kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana maamulka shirkada sheegeen in duulimaadkan ka faa’ideesan doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo kasoo kabaneysa bur bur iyo dib u dhac sanado badan la haray ayaa waxaa hada duulimaadyo toos ah ku yimaado shirkado caalami ah ay ugu horeyso shirkada diyaaradaha Turkish Airways.

 

 

- Advertisement -