Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo dalkiisa ka eryey diblomaasiyiin British ah (Sababta)

Ruushka ayaa aqoonsiga diblomaasiyadeed si deg deg ah ugala laabtay 6 diblomaasi oo u dhashay Ingiriiska oo ka howlgalayay safaaradda Ingiriiska ee ku taalla Moscow.

Hay’adaha amniga Ruushka ayaa sheegay inay oggaadeen inay howlgallo basaasnimo iyo qaran dumin ah ka wadaan gudaha Ruushka

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka, Maria Zakharova oo la hadashay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik oo intaas ku dartay in laga saarayo.

Dhinaca kale, Maria Zakharova ayaa ku dhawaaqday in Mareykanka uu doonayo in dagaalka Ukraine uu u beddelo mid aan waxba la iskula harin, sababo la xiriira inuu Mareykanka doonayo in la furo gacmaha Ukraine si ay u adeegsato dhammaan nooc kasta oo hub oo ay reer galbeedku siiyeen , si ay weerarradooda u gaari karaan gudaha dhulka Ruushka oo ay ku jirto Moscow , markaa oo ay sheegtay inay tahay waqtiga lagu qasbi karo Ruushka inuu soo bandhigo wajiga aan naxariista lahayn, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik.

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli ciidanka Ukraine loo burburiyay istiraatijiyad ahaan saddexdii maalin ee u dambeysay , taasoo maalmo gudahood ka dhigi karay ciidanka dhulka Ukraine kuwa curyaan ah oo aan horey u socon karin, markaa oo si dagaalka uu u socdo loo baahanayo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dagaalka inuu ku tiirsanaado, waana sababta hadda loo maqlayo Mareykanka inuu doonayo si dhammeystiran inay u adeegsan karaan Ukraine hubka ay heystaan ee reer galbeedka ugu deeqay.

Related posts

Wiil 16-sano jir ah oo xil looga magacaabay Hirshabelle iyo Wal wal wiilkaasi lasoo darsay !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirada dalal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan la qaatay Xamse Warfaa oo maanta Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---