Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Muuse Biixi oo Safar Dibadda ah u ambo baxay kadib Martiqaad loo fidiyay (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu ambo baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay Madaxweynaha Jabuuti.
 
Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.
Safarkan Muuse Biixi ugu ambo baxay dalka Jabuuti ayaa imaanaya xili maalmo kahor safar maalmo qaatay ku tagay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kadib uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha dalkaasi
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wada dadaalo badan uu ku doonayo in maamulkiisa lagu aqoonsado, hasa ahaatee waxaa wali heesta caqabo badan oo ku hor gudban in aqoonsi hesho Somaliland.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rabshado khasaaro dhaliyay oo ka dhacay magaalada Bristol (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xagee ka yimid is beddelka deg degga ah ee shalay ka dhacay Suuriya ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya magaalo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose

Cabdi Cade
Taboola Ads ---