Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhac Nuuc cusub ah oo kusoo kordhay Muqdisho iyo Walaac laga muujiyay !!

Waxaa mudooyinkan dambe xaafado katirsan magaalada Muqdisho kusoo batay dhaca loo geesanayo Mootooyinka labo lugaaleyda ee loo yaqaan Fekon, oo ay inta badan isticmaalaan dhalinyarada.
 
Mootooyinkan ayaana waxaa dhaca dhalinyaro labo labo u socota kuwaa oo xaafadaha dhax lugeeya , waxa ayna inta badan raadiyaan mooto meel banaan looga tago iyagoona riixda kadibna la baxsada mootooyinkaasi.
Burcadan oo sii kordhaya ayaana mootooyinkan ay dhacaan ku sameeya wax ka badal kadibna ku dhax iibiya gudaha magaalada Muqdisho halka inta badana Mootooyinkaasi loo iib geeyo gobolada dalka gaar ahaan Shabeelooyinka oo aad looga isticmaalo.
Waxaa sidoo kale jira kooxo burcad hubeesan oo iyana mararka qaar dadka ka dhaca mootooyinkan, waxa ayna arintan walaac xoogan ku beertay dhalinyarada mootiiyinkan ku shaqa taga oo markii hore meelo banaan uga tagi jiray.
 
Dadka qaar ee Mootooyinka Fekonta wata ayaa hada bilaabay in qunfulo waa weyn iyo silis meel kula xiraan mootooyinkooda marka ay meel banaan uga tagayaan si aan looga wadan.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Somalia oo Baaq kasoo saaray kiiska Dilka Ikran Tahliil

Cabdi Cade

Dowlada Sacuudiga oo Balan qaad muhiim ah u sameysay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed

Cabdi Cade

DF oo sii deysay Taliyihii hore ee ciidamada Kumandoska Danab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---