Maxkamad kutaala Dalka Ingiriiska oo Xukun adag ku riday Muwaadin Soomaaliyeed

Maxkamad ku taalla Magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska, ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay in dhaawac halis ah toorey ugu geestay nin ay dagaalameen.

Ibraahim Cabdullaahi oo ah 29-jir Soomaali ah ayaa maxkamada ku heshay in bishii November ee sanadkii hore toorey ku dhaawacay Lanush Alija oo ay ku dagaalameen Wadada Hutton ee magaalada Sundrland.

Marqaatiyaal tagay Maxkamada ayaa ku marqaati furay Ibraahim in uu toorey ku weeraray kuna dhaawacay ninka ay dagaalameen, waxa ayna Qareenada Ibraahim ku guul dareesteen in ay dafiraan dambiga Ibraahim lagu soo oogay oo xukun adag ku muteestay.

Maxkamada qaadeysay kiiska Dacwada lagu soo oogay Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa ku riday 12-sano oo xabsi ah, waxaana Ibraahim u furan in uu racfaan ka qaato xukunkan oo suurto gal tahay in laga qafiiyo sanadaha badan ee hada lagu xukumay.

Dhalinayarada Soomaaliyeed ee kunool wadamada Qurbaha ay kamid tahay Ingiriiska ayaa dhaxdooda dagaalama halka mararka qaarna dhalinyaro kale la dagaalamaan iyaga oo isku adeegsanaya tooreeyo iyo hub kale oo sharci daro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -