Allbanaadir.com
NEWS

Weerar xooggan oo lagu qaaday saldhig ay shir ku lahaayeen Al Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in saakay weerar qorsheysan lagu qaaday saldhig ay dagaalyahannada Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Dumaaye oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ka dhacay deegaanka Dumaaye oo hoostaga degmada Xarardheere .

Weerarka ayey dowladda sheegtay in lagu qaaday saldhig ay lahaayeen Al Shabaab , halkaas oo la sheegay xilliga uu weerarka dhacayay in Al Shabaab saraakiishooda aagaasi joogtay ay shir ku lahaayeen.

Dowladda ayaa war kooban ay soo saartay ku sheegtay in weerarka lagu dilay inta badan xubnihii Al Shabaab ee ku sugnaa goobta la weeraray, mana shaacin dowladda khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo aqbalay codsi Muhiim ah oo uga yimid Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Rooble oo War ka soo saaray dabkii xalay qabsaday nawaaxiga Isgoyska Banaadir

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo kulan sagootin ah la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---