Ciidamo Nuuc cusub ah oo Dowlada geesay Gedo oo hadal heyn badan abuuray (Sawirro)

Dowlada Soomaaliya ayaa shalay diyaarado ku geesay gobolka Gedo ciidamo badan oo loogu tala galay in lagu xoojiyo ciidamada dowlada ee ku sugan degmada Balad Xaawo gaar ahaan dhinaca Xuduuda Kenya ciidamada jooga.

Ciidamadan dowlada shalay geesay qaarkood ayaana hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada kadib markii sawiradooda lagu baahiyay, waxaana ciidamadan qaarkood xirnaayeen darees nuuc cusub ah aan horey loogu aqoon ciidanka dowlada Soomaaliya.

Dadka qaarkood ayaaba shaki galiyay in ciidamadan ay Soomaali yihiin ,halka dadka qaarna sheegeen in ciidankan yihiin ciidamo cusub oo Soomaali ah laguna soo tababaray dalka Eritrea.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu Facebooka soo dhigay isku weediiyay in Ciidamada Madaxweyne Farmaajo ka dejiyay gobolka Gedo ay Soomaali yihiin iyo  ay yihiin ciidamo u dhashay dalka Eritrea.

“Qolodaan Madaxweyne Farmaajo Doolow ka dejiyay horta Soomaali ma yihiin. Mise waa walaalaha cusub ee Madaxweyne Afawerki Asmara nooga soo diray”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Ciidamadan cusub ee shalay la geeyay gobolka Gedo ayaa saraakiil katirsan dowlada laga soo xigtay in ay yihiin ciidamo cusub oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Eritrea , waxaana ciidankan badankood ka howlgali doonaan Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa ciidamo aad u badan u daad gureesay gobolka Gedo gaar ahaan degmada Balad Xaawo oo laga cabsi qabo in ay weerar kusoo qaadaan ciidmo uu hogaaminayo Cabdirashiid Janan oo taageero ka helaya ciidamada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -