Sheekh Mukhtaar Roobow oo laga dhigayo Wasiir iyo Kulan Villa Soomaaliya ka socda

Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in liiska golaha Wasiirada ee maanta la filayo in la shaaciyop uu kasoo dhax muuqan doono Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo mar soo noqday kuxigeenka Amiirka Al Shabaab.

Abuu Mansuur oo muddo saddex sanno ka badan xabsi guri ugu jiray dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaa lasoo daayay, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in uu kamid noqonayo golaha cusub ee wasiiradda Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , Guddoomiyaha golaha Shacabka iyo Abuu Mansuur ayaa xilligan ka socda xarunta madaxtooyada, waxaana kulankan looga hadlayaa magacaabista wasiiradda gaar ahaan arrinta Abuu Mansuur.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ku cadaadiyay in Abuu Mansuur oo horey dowladda isugu soo dhiibay arrimo siyaasadeedna muddo u xirnaa kamid noqdo liiska cusub ee gollaha wasiiradda.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaana loo badinayaa in loo magacaabo wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya, waxa magacaabistan dhabar jabin siyaasadeed ku noqoneysa Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigiisa raali ka ahaa.

Warar kale aan heleyno ayaa sheegaya in xafiiska xeer ilaalinta Qaranka la filayo in ay soo saarto warqad lagu cadeenayo in Abuu Mansuur yahay dambi la’aan sidaa darteedma loo magacaabi karo xil wasiir.

Waxii warar kusoo kordha arrintan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -