Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Addis ababa

Ugu yaraan Saddex qof ayaa ku dhimatay qaar kalena wey ku dhaawacmeen markii bam meel la dhigay uu ku qarxay caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa maanta.

Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka Lideta oo u dhow bartamaha caasimadda, sida ay ku warameyso Wakaaladda Wararka ee dowladda.

“Baaritaan la xiriira qaraxa ayaa socda, shacabkana waa lala wadaagi doonaa marka uu baaritaanku dhamaado,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan laamaha amaanka Itoobiya.

Qaraxa ayaa ku soo aaday xilli gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi muddo lix toddobaad ah ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ururla TPLF, inkastoo aysan jirin calaamado tilmaamaya xiriir ka dhexeeyey labada xaaladood.

Tan iyo markii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay 4-tii November duullaanka ku qaadday gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, waxaa jiray dhowr qarax oo yar yar oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -