Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Talyaaniga oo dayuurad sida gargaar ka dejiyey Magaalada Boosaaso (Sawirro)

Diyaarad siday gargaar loogu talo galay dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay duufaantii GAT ee dhowaan ku dhufatay degaano ka tirsan Puntland ayaa maanta gaartay magaalada Boosaaso .

Deeqdan oo ka timid dowlada Talyaaniga ayaa waxaa garoonka Boosaaso geeyay diyaarad xamuul si loogu caawiyo dadkii saameyntu ka soo gaartay duufaantii ku dhufatay deegaano hoos yimaada gobolka Bari.

Shixnadaan ayaa ka kooban, agabka wax lagu cuno, daawo iyo waxyaabo kale oo duruuri ah, Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabancad) ayaa sheegay in ay dowlada Talyaaniga uga mahadcelinayaan kaalmada ay soo gaarsiiyeen.

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si adag uga hadlay Ciidamadii maanta la geeyay Baydhabo

Cabdi Cade

Wasiir katirsan dowlada Uganda oo Amar ku bixiyay arin amakaag ku abuuray shacabka !!

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo dalka keenay Warshada Dhalisa Ogsijiinta (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---