Waxaa degan Xaalada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo maanta ay dhaceen dagaalo dhexmaray ciidamo ka tirsan DF oo hab beeleed u abaabulan.
Dagaalka ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis gaar ahaan nawaaxiga Kawaan Bari ka dib markii ay isfara saareen ciidamo la kala saftay saraakiil isku heysta dhul halkaas ku yaalla oo murankoodu muddo dheer soo jiitamayey.
Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in labada sarkaal ee dhulkaas sheeganaya uusan midkoobna laheyn, waxaana horey dhulkaas loogu xukumay lahaanshihiisa shaqsi kale
Ciidamo ka tirsan Booliska iyo NISA oo uu horakacayey guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa kala dhex galay dhinacyada dagaalku u dhexeeyey, iyagoo ku guuleystay iney kala qaadaan.
Dagaalka oo saacado badan socday ayaa geystay khasaare xooggan, waxaana la xaqiijiyey iney ku dhinteen 9 qof, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo iskugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah. Hoos ka Daawo
Waxaa caadi ku soo laabtay gelinkii dambe ee maanta xaalada goobihii lagu dagaalamay oo intii uu dagaalku socday ay ka joogsadeen socodka, dadka gaadiidka iyo ganacsiga, waana dagaalkii ugu waqtiga iyo khasaaraha badnaa ee sanadahan ka dhaca Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com