Madaxweyne Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo maanta u ambabaxaya safar dibada ah

Maaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa iney maanta ka dhoofaan garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda dalka Jabuuti.

Ilo xog ogaal ah ayaa allbanaadir online u sheegay in Farmaajo uu Jabuuti kaga qeyb galayo shir madaxeedka ururka IGAD oo looga hadlayo xaalada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo dagaal looga qabsaday xoogaga TPLF ka dib markii ay ka hor yimaadeen siyaasada dowlada Itoobiya.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadli doonaa ashtako ay dowlada Soomaaliya ka gudbisay Kenya, oo ay ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo ashtakadan ay DF gudbisay maalmo ka hor inta aysan xiriirka u jarin dowlada Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu isku dayayo inuu waan waan ka galo khilaafka labada dal ee Somalia iyo Kenya.

booqashada Farmaajo ku tagayo Jabuuti ayaa ku soo beegantay xili xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Muqdisho ay kacsan tahay, sababo la xiriira ismari waa ka taagan guddiyada doorashooyinka ee DF magacowday, kaasoo ay ka soo horjeesteen musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana arrintaas ka dhashay dibed-baxyo rabshado watay iyo ciidamo la dul dhigay xaafadaha ay degan yihiin Mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -