Xoghayihii Xafiiska R/Wasaaraha oo xilka laga qaaday iyo Mid cusub oo la magacaabay (Daawo Sawirada)

Xoghayihii KMG ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa xilka laga qaaday, waxaana maanta xilkaasi si rasmi ah ula wareegay Xoghaye KMG ah oo xilkaasi loo magacaabay.

Sida aan Wararka ku heleyno Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilka ka qaaday Xoghayihii KMG ee xafiiskiisa Maxamed Keynaan Xirsi ,kadib markii dhoor mar laga soo dacwooday khilaafna ka dhax abuuray Xafiiska R/Wasaaraha.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay Xoghayaha cusub ee xafiiskiisa Axmed Nuur Cabdi oo ah nin aqoonyahan ah oo la sheegay in Ra’isul Wasaare Kheyre horey iskula soo shaqeeyeen.

Munaasanad kooban oo maanta ka dhacday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayey xilka kula kala wareegeen labada Agaasime, waxaana munaasabad goob joog ka ahaa xubno katirsan shaqaalaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Khilaafkii ka jiray Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn usoo banaan baxay ayaa inta badan la xaliyay kadib markii xilka laga qaaday Xoghaye Keynaan oo la sheegay in xiisadan abuuray.

Shaqaalaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay xil ka qaadista lagu sameeyay Agaasimihii KMG ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo shaqaalaha qaarkood ka cabanayeen dhibaatooyina uu ku hayay.

Abdirahman Xuseen Mamaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -