Puntland oo 11-qodob oo Xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Tukaraq (Akhriso)

Guddiga difaaca maamulka Puntland oo maanta kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Garawe ayaa waxa ay kasoo saareen qodobo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Puntland ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in gobolka Sool ka saarto ciidamada maamulka Somaliland, waxa ayna Puntland uga digtay shacabkeeda in ay soo dhaweeyaan ama gacan saar la yeeshaan ciidamada Somaliland.

Halkan ka Akhriso 11-qodob Xasaasi ah oo kasoo baxay Guddiga Difaaca Puntland

1. Waxaa lagu wargelinayaa shacabka reer Puntland in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay xoreynta Gobolka Sool

2. Aragti kasta oo ka soo horjeeda Puntland midnimadeeda, wadajirkeeda iyo xorreynteeda waa dambi qaran, cidii aamisana waxaa loo aqoonsanayaa u gargaare cadow, sidaa daraadeed waxaa lagu qaadayaa xeerka ciqaabta.

3. Hub kasta oo ku sifoobey ama loo arko inuu lid ku yahay xoreynta dhulka maqan, wuxuu la mid noqonayaa hubka cadowga.

4. Taliye ciidan iyo masuul kasta oo xil ka haya maamulka Hargeysa oo ka soo baxa mudada hawl galka wuxuu muteysanayaa abaal marin.

5. Qof kasta oo ka soo jeeda deegaamada Puntland oo u shaqeeya maamulka Hargeysa, kana tanaasuli waaya hagardaamada iyo waxyeelada, shacabka reer Puntland wuxuu mudanayaa xeerka ciqaabta Puntland.

6. Qof kasta oo cadoga Puntland qariya, ama gabbaad siiya isagoo ujeedadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo shacabka iyo dowladda Puntland, qofkaas wuxuu la dembi yahay cadowga uu qariyey wuxuuna ku sifoobayaa cadow, waxaana lala tiigsanayaa sharciga.

7. Qofkasta oo gacan siiya qof u shaqeeya maamulka Hargeysa oo ay ku cadaato khiyaamo, jaajuusnimo ama siin xog waa dil aan lahayn mag.

8. Malaha mag ama godob, taliyaha, askeriga ama masuulka ka soo jeeda Puntland ee lagu dilo dagaalka isagoo u diriraya maamulka Hargeysa.

9. Hanti kasta oo uu lee yahay qof reer Puntland ah oo loogu shaqeeynayo maamlka Hargeysa waxaa la wareegaya Dowladda Puntland.

10. Maxkamadda ciidamadu waxay waajib keeda ka gudanaysaa cidkasta oo fal dambiyeed ka geysata goobta dagaalka sida, dhac, kufsi, amar diido, dil loo geysto dad rayid ah ama cid kale oo ka tirsan ciidamada iwm ah.

11. Dowladda Puntland waxay caddeyneysaa in aysan cadow ku ahayn shacabka ku nool gobolada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya nabadgelyadooda iyo jiritaankooda, isla markaana waxay soo dhaweyneysaa cidkasta oo dooneysa xoojinta wadajirka umadda Soomaaliyeed iyo xasiloonideeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -