Maamulka gobolka Gedo oo si kulul u beeniyey Warar ay qoreen Warbaahinta Kenya

Maamulka gobolka Gedo ayaa beeniyey warar ay qoreen warbaahinta Kenya oo sheegayey in ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya la soo dhoobay xadka ay Kenya wadaagaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo ayaa warkaas ku sifeeyey waxba kama jiraan, isla markaana aysan jirin ciidamo cusub oo ay dawladu gaysay gobolka Gedo.

“Ciidamada jooga gobolka waa kuwii horay u joogay gobolka, wax dhaqdhaqaaq ah oo ka jira ma laha, dadku way nabad qabaan, wax aan kuleyl iyo abaaro ahayn oo hadda laga cabanayana ma jiraan. Magaalada Beledxaawo amni ahaan way daggan tahay, ganacsigu wuu kala socdaa, wax xiisad ah oo la dareemayana ma jirto gabi ahaanba,” ayuu yiri guddoomiyaha oo intaas ku daray in wararkaas la faafiyey laga lahaa ujeedooyin gaar ah iyo in la abuuro xaalad aan jirin.

Ciidamada Kenya ee jooga xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya ayaa waxay ka walaacsan yihiin ciidamo ay tilmaameen dawladda Soomaaliya ku gaysay gobolkaas Gedo sida uu qoray Wargeyska Daily Nation iyadoo arrintan ay ku soo aaday xilli dawladda Soomaaliya ay shaacisay in ay xiriirkii u jartay Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -