Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo gudaha u galay Kenya & digniino laga bixiyey

Kenya ayaa diginin ka soo saartay suurtagalnimada weeraro Al shabaab ka gaystaan Kenya maalmaha Ciida Masiixiga

Qoraal ay Booliska soo saareen waxay ku sheegeen in tiro badan oo Al shabaab ay gudaha u soo galeen Kenya saacadihii ugu dambeeyay si ay weeraro uga gaystaan deegaanada ku teedsan Xadka Somalia.

Booliska  Kenya ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in 40 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay qorsheynayaan iney beegsadaan degaanada Amuma, Hami iyo Magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Booliska ayaa dadka degaanadasi ku nool ugu baaqay inay feejignaadan lana shaqeeyan ciidanka amaanka ee la dagaalanka Argagexisada.

Saraakiisha Booliska ee dalka Kenya ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada xadka ugu baaqay inay ka feejignaadaan weerarada Al Shabaab doonayaan inay ka fuliyaan Kenya.

Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay sii  kordhisay  feejignaanta iyo walaaca ay ka qabto al-shabaab , waxaana ay ciidamo dheeraad ah marba marka ka dambeysa geynaysay  soohdinta labada dal .

Al Shabaab ayaa marar waxaa ay weeraro badan oo qaarkood dhiig badan ku daatay ka fuliyeen dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo furay Shirweynaha xoojinta iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika

Cabdi Cade

Erdogan oo shaaciyey in Boqolaal ka tirsan Xoogaga Xamaas lagu daweynayo Turkiga

Caydiid Ali

Ciidamo ka tirsan Gorgor & Haramcad oo lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---